U bood dhigaalka

Hindiya iyo Warbaahinteeda oo kusoo biiray Cadaadiska Ka Dhanka ah Ilhaan Cumar

Sheeko:War

Warbaahinta waaweyn ee Hindiya, gaar ahaan India Today, ayaa maanta daabacday warbixin cusub oo si toos ah ugu biiraysa weerarka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee ka dhanka ah Xildhibaanadda Maraykanka ee asalkeedu Soomaali yahay Ilhaan Cumar.

Warbixinta India Today ayaa dib u soo cusboonaysiisay eedeymo hore oo ku saabsan in Ilhaan Cumar ay jebisay sharciyada socdaalka, isla markaana ay muwaadinnimada Maraykanka ku heshay macluumaad la qariyey. Warbaahinta Hindiya waxay su’aal gelisay in Ilhaan lagu eedeyn karo:

Guur lagu sheegay mid ay u geysatay walaalkeed

Been abuur sharciyeed oo ku saabsan socdaalka

In muwaadinnimada laga qaadi karo (denaturalisation)

In la tarxiili karo haddii sharci ahaan lagu helo dambi

India Today waxay Ilhaan Cumar ugu yeertay “anti-India US lawmaker”, iyagoo ku eedeeyay inay si joogto ah u dhaleeceyso siyaasadaha New Delhi, gaar ahaan arrimaha:

Kashmir

Xuquuqda Muslimiinta Hindiya

Xasilloonida gobolka

Warbixinta ayaa sheegtay in kooxaha siyaasadda midig ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa u dhow Trump, ay hadda wadaan ol’ole sharci oo lagu doonayo in muwaadinnimada Ilhaan la baaro, iyadoo loo marayo dacwad rasmi ah oo lagu furo Waaxda Cadaaladda.

Sababta Hindiya arrintan ugu dhiiratay

Warbaahinta Hindiya waxay muddooyinkii dambe xiise gaar ah u muujiyeen Ilhaan Cumar sababtoo ah:

Waxay si cad u dhaleeceysay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Hindiya.

Waxay qaaday booqasho caalami ah oo ay ku muujisay taageero dadka Kashmir.

Waxaa horey u dhacay muran siyaasadeed ka dhex abuurmay India iyo kooxaha Muslimiinta Maraykanka.

Arrintan ayaa keentay in warbaahinta taageerta dowladda Hindiya ay si joogto ah ugu biirto weerarka ka socda gudaha Mareykanka ee lagula beegsanayo Ilhaan.