U bood dhigaalka

Shirweynaha Shaqo-abuurka Qaranka 2025 oo Maanta Si Rasmi ah Muqdisho uga Furmay

Sheeko:War

Waxaa maanta si rasmi ah hotelka Royal Palace ee caasimadda Muqdisho uga furmay Shirweynaha Shaqo-abuurka Qaranka 2025, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirkan ayaa ah mid ballaaran oo sanadkan diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo oo dhab ah, loo xoojin lahaa xiriiirka u dhexeeya shaqo-doonka iyo shirkadaha dalka, loona hagaajin lahaa jihaynta shaqada ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, shirkado gaar loo leeyahay, hay’ado caalami ah iyo boqolaal dhallinyaro ah oo rajaynaya shaqooyin ama tababaro.

Mas’uuliyiinta wasaaraddu waxay sheegeen in Shirweynaha Job Fair–ku uu yahay madal muhiim u ah dalka, maadaama uu isku keeno shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonka isla goobta, taas oo kor u qaadaysa helitaanka shaqooyin dhab ah iyo xirfado cusub.

Mudada uu socdo shirka, ka qaybgalayaashu waxay heli doonaan talo-bixin xirfadeed oo ay bixinayaan khubarada hagidda shaqada ee NESC, kuwaas oo ka caawinaya dhallinyarada inay fahmaan suuq shaqada, xirfadaha uu u baahan yahay iyo sida ay u dhisi karaan mustaqbalkooda shaqo. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysa sida loo yareyn karo iswaafaq la’aanta ka jirta suuq shaqada, gaar ahaan farqiga u dhexeeya xirfadaha ay dhallinyaradu baranayaan iyo baahida dhabta ah ee shaqo-bixiyeyaasha.

Waxaa sidoo kale shirka lagu iftiimiyay muhiimada ay leedahay in la hormariyo qaybaha dhaqaalaha ee shaqo abuurka badan leh, sida teknoolojiyadda, dhismaha, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada ganacsiga. Wasaaraddu waxay sheegtay in kor u qaadista qaybahan ay door weyn ka ciyaari karto yareynta shaqo la’aanta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirweynahan oo ah mid sanad walba la qabto ayaa sanadkan loo arkaa mid ka turjumaya qorshaha dowladda ee ku aaddan horumarinta shaqo-abuurka iyo dhiirrigelinta awoodda dhallinyarada, kuwaas oo ah laf-dhabarka shaqaalaha dalka. Waxaa la filayaa in kulammada iyo isu-imaatinka ka socda gudaha shirka ay horseedi doonaan heshiisyo shaqo oo badan iyo fursado tababar oo rasmi ah.