Suuqa Xamarweyne oo maanta xiran iyo ganacsatada oo ka cabanaya canshuuro lagu soo rogay
Inta badan goobaha ganacsiga Suuqa degmada Xamarweyne ayaa maanta xiran, kaddib markii ganacsatadu ay go’aansadeen inay xiraan meheradahooda, iyagoo ka soo horjeeda canshuuro dheeraad ah oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay.
Howl-wadeenno ka tirsan Goobjoog News oo booqday suuqa ayaa sheegay in dukaamada, bakhaarada iyo goobaha adeegga intooda badani ay gebi ahaanba xiranyihiin, halka qaar kale oo koobani ay furanyihiin.
Ganacsatada ayaa sheegay in canshuuro aysan la awoodi karin lagu soo rogay, isla markaana ay dalbanayaan in dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay culaysyada haysta wax ka qabtaan.
Xirnaanshaha ka jira suuqa Degmada Xamarweyne ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir wadaan dadaalo lagu kordhinayo dakhliga gudaha, balse tabashada ganacsatada ayaa muujisaysa in habka canshuuraha loo fulinayaahi uu culays ku yahay ganacsatada.
Xirnaanta goobaha ganacsiga ayaa saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadweynaha gaar ahaan danyarta iyo muruq maalka suuqa ka xoogsada oo howl maalmeedkooda ku maareeya nolosha qoysaskooda.