DF Soomaaliya: Somaliland Weligeed Waa Qayb ka Mid ah Dalka
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Federaalka, isaga oo sheegay in “Somaliland ay weligeed qayb ka tahay Soomaaliya, kana mid tahay nidaamka dowladnimo ee dalka.”
Isagoo la hadlayay DooxaNews, Cali Balcad wuxuu sheegay in xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa uu ku salaysan yahay wadahadal, iskaashi iyo xariir toos ah, isla markaana Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in la hormariyo wadashaqeynta dhinacyada amniga, ganacsiga iyo adeegyada bulshada.
Wasiiru-dowluhu wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka ay mudnaanta siineyso midnimada dalka, isla markaana aan marnaba laga leexan doonin ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in wada hadalka loo baahan yahay inuu noqdo mid deggen, dhab ah oo ku dhisan dan guud, si looga wada faa’iidaysto horumarinta gobolka.