Trump oo wali sii wadda hadalada Naceybka ah ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul oo weerar ah u jeediyay xildhibaan Ilhaan Omar iyo guud ahaan Soomaalida, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Pennsylvania shalay.
Trump oo hadaladiisa ku suntanaa dhaleeceyn iyo qosol isku jira ayaa sheegay in Ilhaan Omar “ay mar walba cabanayso”, isaga oo ku daray in ay ka timid “waddan loo arko inuu yahay kan ugu xun adduunka,” sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynuhu intaa kuma uusan ekaanin ee wuxuu si kaftan u eg ku xusay magaca Ilhaan Omar iyo sida ay u labisato, isagoo yiri:
“Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xidhan koofiyadda yar.”
Hadalka Trump ayaa si weyn u gilgishay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda Maraykanka, kuwaas oo ku tilmaamay hadal nacayb iyo takoorka soo noqnoqday ee Trump uu hore ugu beegsaday muhaajiriinta iyo Muslimiinta.
Xildhibaan Ilhaan Omar weli kama aysan hadlin hadallada cusub, balse hore ayay ugu tilmaamtay weerarrada Trump “kicin nacayb oo khatar ku ah dadka soo galootiga ah.”
Weerarradan afka ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu ololaha doorashada Maraykanka sii xoogaysanayo, Trump-na uu isku dayayo inuu taageerayaashiisa ku kiciyo hadallo xasaasi ah oo inta badan ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay.