Soomaaliya oo u Dabaal-degtay Tallaabo Taariikhi ah oo Ku Saabsan Xuquuqul Insaanka
Shalay, Soomaaliya waxay u dabaal-degtay tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa horumar iyo biseyl dowladnimo, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Saxiixan ayaa dhacay xilli magaalada Muqdisho ay ka socotay Munaasabad lagu xusayay maalinta xuquuqul insaanka, wuxuu astaan u noqday sida dowladda Soomaaliya ugu heellan tahay ilaalinta karaamada muwaadiniinteeda iyo dhismaha hay’ado madaxbannaan oo damaanad qaada caddaalad iyo isla xisaabtan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay muhiimadda sharcigan, ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu muujinayo go’aan siyaasadeed oo qoto dheer oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Wuxuu ammaanay wada-shaqeyntii dhaxmartay labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, taas oo suurta gelisay in xeerka Xuquuqul Insaanka loo diyaariyo si waafaqsan sharciga, diinta iyo heerarka caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday.
Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka wuxuu ka dhigan yahay in Soomaaliya ay si dhab ah u qaadday tallaabo lagu xoojinayo dowladnimada ku dhisan xaqsoor, isla xisaabtan, iyo ilaalinta xuquuqda qofka Soomaaliyeed.
Waa guul muuqata oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka iyo ujeeddooyinka dowladda ee ah in muwaadinku helo difaac sharci oo dhab ah, isla markaana ay dhismaha hay’adaha madaxbannaan noqdaan laf-dhabarta dowladnimada casriga ah.