Maanta waa maalin taariikhi ah oo ku beegan xuska 40-guurada SOS Children’s Villages Somalia. Waa maalin lagu xusayo afaratan sano oo ay hay’addu u taagnayd daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta carruurta Soomaaliyeed ee ku nool duruufo adag.
SOS Children’s Villages ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Soomaaliya 17-kii Diseembar 1985, markaas ayaa la furay SOS Children’s Village-kii ugu horreeyey ee Muqdisho si carruurta waayay daryeel waalid loo siiyo hoy ammaan ah, waxbarasho iyo taageero bulsho.
Carruurtan waxaa la siiyay qoys ay ku koraan, waxbarasho, daryeel caafimaad iyo jawi ammaan ah oo u suurta galiyay in ay riyadooda gaaraan.




From the comments