U bood dhigaalka

Baaritaan: Nidaamka e-Visa ee Soomaaliya oo wali U Furan Xatooyo Xog Shakhsiyeed

Sheeko:War

Website-ka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee Soomaaliya ayaa wajahaya cillad amni oo halis ah, taasoo sahleysa in dad aan fasax haysan ay si fudud u soo dejisan karaan xog shakhsiyeed xasaasi ah oo ay ku jiraan kumannaan codsiyo fiiso ah, sida ay ogaatay Al Jazeera.

Baadhitaan gaar ah oo ay Al Jazeera sameysay ayaa muujiyay in nidaamka uusan lahayn hannaan amni oo ku filan, taasoo u oggolaan karta dad dano xun leh inay helaan macluumaad ay ka mid yihiin faahfaahinta baasaboorrada, magacyada buuxa iyo taariikhaha dhalashada codsadayaasha fiisaha.

Al Jazeera ayaa xaqiijisay cilladdan toddobaadkan, kaddib xog ay ka heshay ilo aqoon u leh horumarinta bogagga internetka. Ishaasi waxay sidoo kale bixisay caddeymo muujinaya in ay arrintan horey ugu wargelisay mas’uuliyiinta Soomaaliya toddobaadkii hore, balse aysan helin wax jawaab ah, isla markaana cilladda aan la sixin.

“Xadgudubyada ku lug leh xog shakhsiyeed oo xasaasi ah waa kuwo si gaar ah khatar u ah, maadaama ay dadka u nugleyn karaan xatooyo aqoonsi, khiyaano iyo adeegsiga xogta ujeeddooyin sirdoon,” ayay Al Jazeera u sheegtay Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xuquuqda dhijitaalka ah ee Access Now.

Cilladdan cusub ayaa imanaysa wax ka yar bil kaddib markii mas’uuliyiintu ay sheegeen in ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerar hore oo lagu qaaday nidaamka e-Visa-ga, kaasoo sababay in xog badan la faafiyo.

Toddobaadkan, Al Jazeera waxay awooday inay ku celiso isla cilladda la tilmaamay, iyadoo muddo kooban gudaheed soo dejisay e-Visa-yo ay ku jireen xog shakhsiyeed oo ay leeyihiin dad ka kala yimid Soomaaliya, Maraykanka, Sweden, Portugal iyo Switzerland.

Al Jazeera ayaa su’aalo u dirtay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ku wargelisay cilladda nidaamka, balse wax jawaab ah kama helin.

Andere ayaa sheegtay in ku adkeysiga dowladda ee hirgelinta nidaamka e-Visa-ga, iyadoo aan si buuxda loogu diyaarsaneyn khataraha amni, ay dhaawaceyso kalsoonida dadweynaha, isla markaana abuurayso nuglaansho laga hortagi kari lahaa.

Waxay sidoo kale tilmaantay in sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya uu waajibinayo hay’adaha mas’uulka ka ah xogta in ay wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta, iyo sidoo kale dadka ay saameysay, marka ay dhacaan xadgudubyo halis ah.

Al Jazeera ma shaacin faahfaahinta farsamo ee cilladda, maadaama aan weli la sixin, isla markaana faahfaahintaasi ay sahli karto in weerarro kale la fuliyo. Xog kasta oo xasaasi ah oo Al Jazeera heshay intii baaritaanku socday ayaa la tirtiray si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay quseyso.

Bishii hore, dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ku saabsan xadgudub xogeed oo saameeyay in ka badan 35,000 oo qof oo codsaday fiisaha Soomaaliya. Xogta la faafiyay waxaa ka mid ahaa magacyo, sawirro, taariikho dhalasho, cinwaanno email, xaalad guur iyo cinwaanno guryo.

Kaddib weerarkaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay domain-ka website-ka e-Visa-ga, iyagoo sheegay in tallaabadaasi lagu xoojinayo amniga.

Hay’addu waxay 16-kii November sheegtay inay arrinta u aragto mid leh “muhiimad gaar ah” ayna bilaabeen baaritaan rasmi ah.