Saaka magaalada Kismaayo waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo culus, kaddib markii xalay uu soo idlaaday wajigii koowaad ee wada-hadallada u dhaxeeyay Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta.
Waxaa jiray khilaaf in uu soo gala dhex galay Madasha Samatabixinta iyo labada maamul kaasoo ku saabsan dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo sida loo Wajihi karo xaaladda dalka.
Labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa shalay soo jeediyay in Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad uu noqdo Xoghaynta golaha kasoo ahaa gacanta Midig ee Madaxweyne Deni balse waxaa si weyn u diiday laba Xubnood oo ka tirsan Madasha.




From the comments