U bood dhigaalka

Sacuudiga oo Ceyriyey In ka Badan 24,000 Qof oo Ku Eedeysnaa Tuugsi

Sheeko:War

Sacuudiga oo Ceyriyey In ka Badan 24,000 Qof oo Ku Eedeysnaa Tuugsiga
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo adag oo ay dalka kaga ceyrisay in ka badan 24,000 oo qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tuugsiga ama dawarsiga, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku sugnaayeen dalka si sharci-darro ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Sacuudigu ku xoojinayo ammaanka, nidaamka iyo kala dambeynta bulshada, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan iyo xarumaha waaweyn ee dalka.

Go’aankan ayaa yimid kaddib olole ballaaran oo ay hay’adaha ammaanka Sacuudiga ka fuliyeen magaalooyin ay ka mid yihiin Makka, Madiina, Riyadh iyo Jeddah.

Intii uu socday ololahan, waxaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday dad lagu tuhunsanaa inay tuugsiga ka dhigeen ganacsi abaabulan, isla markaana ku shaqeynayay shabakado is xiran oo ka faa’iideysta dareenka shacabka, gaar ahaan kan diimeed ee la xiriira goobaha cibaadada.

Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo hay’ado ajnabi ah ayaa tilmaamaya in inta badan dadka la ceyriyay ay u dhasheen dalka Pakistan, inkastoo ay jireen dad kale oo ka kala yimid dalal kala duwan.

Dowladda Sacuudiga si rasmi ah uma shaacin tirooyinka dal ahaan loo kala saaray, balse tirada guud ee 24,000 qof ayaa si ballaaran loogu soo weriyay warbaahinta caalamka.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in tuugsigu yahay fal dambiyeed si cad uga hor imanaya sharciga dalka, ayna jireen dad adeegsanayay carruur, haween iyo dad naafo ah si ay u helaan naxariis iyo dhaqaale.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay jireen kooxo abaabulan oo ka shaqeynayay goobaha barakeysan, kuwaas oo si nidaamsan uga faa’iideysanayay dareenka diimeed ee dadka soo booqda Xaramka iyo masaajidda kale.

Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa mar kale ku adkeysatay in sadaqada iyo zakada lagu bixiyo hay’adaha rasmiga ah ee loo asteeyay, halkii lagu bixin lahaa shaqsiyaad waddooyinka fadhiya ama ku sugan goobaha dadweynaha.