Waxbarashada Gobolka Banaadir oo La Hakiyay Sababo La Xiriira Doorashooyinka Degmooyinka
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo hakin doono dhammaan howlaha waxbarasho ee ka jira Gobolka Banaadir, laga bilaabo 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseember 2025.
Go’aankan ayaa la xiriira diyaargarowga iyo qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wasaaraddu waxay sheegtay in muddadaas la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada ee gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, macaahidda iyo jaamacadaha.
Sababta arrintan loo sameeyay ayaa ah in xarumo waxbarasho oo badan loo asteeyay inay noqdaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, taasoo u baahan in la sugo amniga, nidaamka iyo habsami u socodka hawlaha doorashada.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale ugu baaqday masuuliyiinta iyo maamullada goobaha waxbarashada ee loo asteeyay doorashooyinka inay si dhow oo habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka doorashooyinka uu u dhaco si hufan oo nabad ah.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay caddeysay in maalmaha la hakiyay waxbarashada aanay lumin doonin ardayda, balse dib looga dari doono kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si loo buuxiyo jadwalka waxbarasho ee rasmiga ah.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa ugu baaqday waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada inay la socdaan ogeysiisyada rasmiga ah, isla markaana ay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.