U bood dhigaalka

Sagaal qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Johannesburg

Sheeko:War

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo ka dhacay xaafad ku taalla galbeedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay warisay Warbaahinta Qaranka Koonfur Afrika ee SABC.

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Bekkersdal, kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen maqaaxi ku taalla halkaasi. Falkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaraya 19 qof.

Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay dhacdada, iyaga oo sheegay in ay bilaabeen baaritaanno iyo baadigoob lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay weerarka.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay sugidda amniga xaafadda, si looga hortago falal kale oo rabshado ah.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee weerarka, mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi, balse mas’uuliyiinta ayaa ballanqaaday in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan marka baaritaanku soo dhamaado.