U bood dhigaalka

Falcelinta Doorashada Degmooyinka ee Muqdisho: Gudaha iyo Dibedda

Saakay waxaa magaalada Muqdisho looga dareeray doorashada golaha degaanka muddo ku dhow lixdan sano kadib. Doorashanda waxaa loo tartamay 390 kursi oo taalla 16 degmo, waxaana ku tartamay 1,600 murashax oo ka kala socday 20 urur siyaasadeed. Toban kun oo ciidan ayaa ka qeybqaatay sugidda amniga doorashada, halka 5,000 oo hawlwadeenno ah ka shaqeynayeen. Sidoo kale waxaa codeeyay in ka badan 500,000 qof, oo isugu jira carruur, cirroole, iyo dadka baahiyaha gaarka ah. Waxaa sidoo kale xarunta Golaha Murtida iyo Madaddaalada ee Tiyaatarka Qaranka codkiisa ka dhiibtay Madaxweyhana JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwada Kowaad ee Madaxweynaha.

Maxaa laga soo Diiwaangaliyay Doorashadii Maanta?

  1. Warbaahinta Dunida

Warbaahinta dunida wax ay tabisaba Muqdisho oo qiiqaysa, qarax ka dhacay, dhaawac iyo meydadka waddooyinka daadsan yihiin, saakay, waxa ay tabiyeen war ka duwan warkaas kana wanaagsan. Warbaahinta ugu waaweyn dunida sida Reuters, Al-Jazeera, Qatar News Agency, Daily Nation, TRT Africa iyo Arab News ayaa wadajir u tebiyay safafka dheer ee dadweynuhu ugu jiraan in aycodkooda u dhiibtaan, iyo ciidamada booliska sugaya amniga doorashada golaha degaanka maanta ka dhacday Muqdisho.

  1. Dareenka Shacabka

Marka laga yimaado in ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta, waxaa muuqata shacabka Muqdisho oo ku faraxsan in ay codkooda dhiibtaan. Shacab u badan dhallinyaro aan hore codkooda u dhiiban, kuna soo koray dagaalladii sokeeye ayaa saakay u dareeray doorashada. Iyaga oo wejiyadooda laga dheehan karay farxad iyo raynrayn. Dadkii u soo joogay doorashii ugu dambeysay oo muddo aad u dheer laga joogo ayaa dib u milicsaday waayihii wacnaa.

  1. Damqashada iyo Daryeelka Ciidanka

Waxyaabaha dhegta loo taagayay waxaa ka mid ahaa sida loo maareeyo amniga doorashada, waana halka ka guulaysan kartay ama ka fashilmi kartay doorashada maanta. Dad badan ayaa isweydiin jiray doorasho ma lagu qaban karaa Muqdisho? Dhammaan su’aalahaas waxaa loo helay jawaabo ku habboon. Ciidamada Qalabka Sida, si gaar ah Ciidanka Booliska oo loo xilsaaray sugidda amniga doorashooyinka, ayaa qaatay kaalin adeega-qarannimo oo ah caawinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah, dadka da’da ah iyo hooyooyinka.

  1. Dhallinyarada iyo Baraha Bulshada

Dhallinyarada baraha bulshada adeegsada ayaa door muhiim ah ka qaatay baahinta iyo habsami u socodka doorashadii maanta. Baraha bukshada waa awood ka jirta dunida iyo see laba afle ah, haddii si wacan looga faa’ideystana wax dhista, si aan wanaagsaneyna wax dumisa. Maanta ayayna soo baxday taas oo waxa ay qabteen hawl aan sahlaneyn.

  1. Dhabbaxaarid iyo Jidfurid

Doorashadan waxa ay dhabbaha u xaartay doorashooyinka dhici doona, dad badan oo aan ka qeybqaadan doorashadaan, ugana baaqday duruufo kala duwan, ayaa ku rejo weyn in ay ka qeybgalaan doorashooyinka dhici doona.