U bood dhigaalka

​IGAD oo Doorashooyinkii Muqdisho ku tilmaantay Tallaabo loo qaaday dhanka Dimuqraadiyadda

​Urur-goboleedka IGAD ayaa qoraal rasmi ah oo ka soo baxay 26-ka Diseembar, 2025, ku bogaadiyay hannaankii ay u dhaceen doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.

IGAD waxay ammaan u dirtay shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in horumarka laga gaaray dhanka amniga uu sahlay inay doorashooyinkani qabsoomaan.

​Sida ku cad bayaanka, doorashooyinkan waxay tusaale u yihiin billowga hannaanka ay dadka Soomaaliyeed si toos ah ugu dooranayaan matalayaashooda, taasoo gacan ka geysaneysa horumarinta maamul-wanaagga dalka oo dhan.

Xoghaynta IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saamilayda siyaasadda inay ka qayb-galaan hannaan wada-tashi ah oo ku dhisma wada-hadal iyo tanaasul, si loo xoojiyo hay’adaha dimuqraadiga ah loona gaaro nabad iyo xasilooni waarta.

​Ugu dambayn, IGAD waxay mar kale xaqiijisay inay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya nabad, degganaansho iyo barwaaqo dhaqaale.