Urur-goboleedka IGAD ayaa qoraal rasmi ah oo ka soo baxay 26-ka Diseembar, 2025, ku bogaadiyay hannaankii ay u dhaceen doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee magaalada Muqdisho.
IGAD waxay ammaan u dirtay shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in horumarka laga gaaray dhanka amniga uu sahlay inay doorashooyinkani qabsoomaan.
Sida ku cad bayaanka, doorashooyinkan waxay tusaale u yihiin billowga hannaanka ay dadka Soomaaliyeed si toos ah ugu dooranayaan matalayaashooda, taasoo gacan ka geysaneysa horumarinta maamul-wanaagga dalka oo dhan.




From the comments