U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo ka soo horjeestay aqoonsiga Soomaaliland

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Soomaaliland, wuxuuna mar kale xaqiijiyey sida Midowga Afrika uga go’an tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si walaac weyn leh ula socday horumarradii u dambeeyay ee la xiriira Somaliland, sida lagu sheegay war lagu qoray bogga ururka Midowga Afrika.

Arrintan darteed, Guddoomiyaha Guddiga wuxuu si cad oo aan mugdi ku jirin u adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Midowga Afrika, kaas oo ku saleysan mabaadi’da ku qeexan Axdiga Asaaska Midowga Afrika, gaar ahaan ixtiraamka aan la taaban karin ee xuduudihii la dhaxlay xilligii xornimada, sida lagu caddeeyey go’aankii Ururka Midnimada Afrika (OAU) ee sanadkii 1964.

Guddoomiyaha Guddiga wuxuu si adag u diiday hindise ama tallaabo kasta oo lagu doonayo in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, isagoo xusuusiyey in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isku day kasta oo lagu wiiqayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya wuxuu ka hor imanayaa mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, isla markaana wuxuu abuuri karaa tusaale khatar ah oo saameyn fog ku yeelan kara nabadda iyo xasilloonida guud ee qaaradda Afrika.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga wuxuu mar kale xaqiijiyey sida Midowga Afrika uga go’an tahay si buuxda ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageerada buuxda ee Midowga Afrika u hayo dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah, laguna horumarinayo maamul loo dhan yahay.