Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda dalka Turkiga, Mehmet Fatih Kacir, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay si rasmi ah u billawday wejigii koowaad ee dhismaha xarunta weyn ee hawada sare (Space Port) taas oo laga dhisayo gudaha dalka Soomaaliya.
Warkaan oo soo baxay ka dib kulan dhex maray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu caddeeyay in la soo dhameeyay dhammaan daraasadihii farsamo iyo naqshadihii lagama maarmaanka u ahaa mashruucan istiraatiijiga ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya loo doortay goobta ugu habboon caalamka ee laga dhisi karo xaruntan sababtoo ah waxay ku taal xariiqda dhul-baraha, taas oo siinaysa faa’iido farsamo oo weyn marka gantaallada ama dayax-gacmeedyada loo dirayo hawada sare.




From the comments