U bood dhigaalka

Sidee u qabteen Ciidanka gaarka ah ee Maraykanka Madaxweynaha Venezuela iyo xaaskiisa?

Sheeko:War

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku xaqiijiyay in Maduro uu hadda ku jiro gacanta Maraykanka, isagoo sheegay in hawlgalku ahaa mid guul ku dhammaaday.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo caalami ah iyo warbaahinta Maraykanka sida CBS News, Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro waxaa qabtay cutubka gaarka ah ee ciidanka Maraykanka ee loo yaqaano Delta Force.

Hawlgalkan oo dhacay subaxnimadii hore ee maanta oo ah Sabti, Janaayo 3, 2026, ayaa qayb ka ahaa weerar ballaaran oo Maraykanku ku qaaday magaalada Caracas. Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku xaqiijiyay in Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores la qabtay, laguna dhoofiyay meel dalkaas ka baxsan.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Venezuela, Vladimir Padrino López, ayaa isna ka soo muuqday muuqaal isagoo aad u caraysan, wuxuuna ku dhawaaqay in dhammaan ciidanka dalka la geliyay heegan buuxa si ay u difaacaan dalka, isagoo weerarkan ku tilmaamay duullaan qaawan oo lagu soo qaaday qarannimada Venezuela.

Xaaladda magaalada Caracas ayaa hadda aad u kacsan, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo.

Madaxweyne ku-xigeenka dalkaas, Delcy Rodríguez, ayaa si kulul u dalbatay in la keeno caddeyn muujinaysa in madaxweynuhu nool yahay, maadaama aysan ilaa hadda garanayn meel uu ku dambeeyo iyo xaaladda uu ku sugan yahay.

Maraykanka ayaa muddo dheer ku raad-joogay Maduro, isagoo ku eedeynayay ka ganacsiga maandooriyaha iyo caburinta shacabkiisa, waxaana madaxiisa saarnaa abaalmarin lacageed oo gaareysa 50 milyan oo doollar.