U bood dhigaalka

Wang Yi oo Socdaal Diblomaasiyadeed ku Maraya Soomaaliya iyo Dalal kale oo Afrikaan ah

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa billaabay socdaal diblomaasiyadeed oo muhiim ah kaas oo uu ku marayo dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho.

Booqashadan oo socon doonta inta u dhaxaysa 7-da ilaa 12-ka Janaayo, waxay daba socotaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalalkan, waxayna qayb ka tahay dadaallada Shiinuhu uu ku xoojinayo saamayntiisa qaaradda Afrika.

​Tallaabadan ayaa sii socodsiinaysa dhaqan diblomaasiyadeed oo soo jiray muddo 36 sano ah, kaas oo ah in wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinuhu ay booqashadooda ugu horreysa ee sannad walba ku bilaabaan qaaradda Afrika.

Wang Yi, oo sidoo kale ah xubin sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa lagu wadaa inuu kulamo heer sare ah la qaato madaxda dalalka uu booqanayo, isagoo kala hadli doona iskaashiga dhaqaalaha, amniga gobolka, iyo mashaariicda horumarineed ee Shiinuhu ka fuliyo qaaradda.

​Inta uu ku guda jiro socdaalkiisa, Wang Yi wuxuu ka qayb geli doonaa xafladda furitaanka ee Sannadka xiriirka Shiinaha iyo Afrika oo lagu qabanayo xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Booqashada uu ku tagayo Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama ay ku soo aadayso xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo isbeddello siyaasadeed iyo loolan dhanka diblomaasiyadda ah oo u dhexeeya quwadaha caalamka.