Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaca ka qaaday in ay bilowday baadhitaan degdeg ah kaddib warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfurta Yemen (STC), Caidaruus Al-Zubaidi, uu soo maray ama yimid dhulka Soomaaliya, iyada oo aan jirin oggolaansho rasmi ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in DFS ay si dhab ah ula socoto eedeymaha la xiriira isticmaal aan sharci ahayn oo hawada iyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya ah, taas oo lagu fududeynayo dhaqdhaqaaq siyaasiyiin baxsad ah.
Hay’addu waxay sheegtay in ay si wadajir ah ula shaqaynayso hay’adaha kale ee amniga iyo maamulka qaranka, si loo xaqiijiyo saxnaanta wararkaasi, isla markaana loo ogaado in uu dhacay xadgudub sharci, jebin habraac ama ku tumasho madax-bannaanida qaranka.




From the comments