Maraykanka oo Joojiyay Dhammaan Kaalmadii uu siin jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya
Maraykanka ayaa si rasmi ah u joojiyay dhammaan gargaarkii iyo taageeradii uu siin jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib eedeymo la xiriira in mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay burburiyeen bakhaar ay lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo ay ku jireen gargaar cunto oo uu maalgeliyay Maraykanku.
War lagu daabacay baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay si sharci-darro ah ula wareegeen illaa 76 tan oo gargaar cunto ah, taas oo loogu talagalay dadka nugul ee Soomaaliyeed.
Dowladda Maraykanka ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid ka dhan ah siyaasaddeeda la xiriirta musuq, xatooyo iyo leexinta gargaar bani’aadamnimo.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in burburinta bakhaarka WFP ay tahay arrin si weyn u dhaawacaysa kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamka, isla markaana ay sababtay in si degdeg ah loo hakiyo dhammaan kaalmadii Maraykanka ee dowladda Soomaaliya.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymahan.
Go’aankan ayaa imanaya xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu si weyn u dhimay gargaarka bani’aadamnimo ee uu Maraykanku bixiyo tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay sanadkii 2025. Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Joe Biden ayaa Soomaaliya siisay gargaar gaaraya ku dhowaad $770 milyan, inkastoo qayb yar oo ka mid ahi ay si toos ah u gaari jirtay dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in dib loo bilaabi karo kaalmada, balse ay ku xiran tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato mas’uuliyadda dhacdada lagu eedeeyay, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu saxayo arrintaas.