U bood dhigaalka

Sidee ayuu Al-Zubaidi Muqdisho kusoo maray intii uu ka baxsanayay Yemen?

Sheeko:War

Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiya ee ku lugta leh dagaalka Yemen ayaa sheegay in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfurta Yemen (STC), Caidaruus Al-Zubaidi, uu ka baxsaday Yemen kadib markii uu ka baaqday wadahadallo nabadeed oo ka socday Riyadh, isaga oo sii maray Somaliland kuna dambeyay Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed uu isbahaysigu soo saaray goor dhow ayaa lagu sheegay in Al-Zubaidi uu habeenimadii Arbacada ka dhoofay magaalada Cadan, isaga oo doon ku tagay dekedda Berbera ee Somaliland, halkaas oo uu diyaarad ka raacay.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay u duushay Muqdisho ka hor inta aanay si toos ah ugu sii gudbin Abu Dhabi.

Isbahaysigu wuxuu intaas ku daray in diyaaradda ay demiysay nidaamka aqoonsiga duulimaadka xilli ay dul maraysay Gacanka Cumaan, islamarkaana dib u shidday wax yar ka hor inta aanay ka degin garoon milatari oo ku yaalla Abu Dhabi.

Haddii ay xaqiiq noqoto, arrintan ayaa sii xoojin karta khilaafka soo kala dhex galay Sacuudiga iyo Imaaraadka, gaar ahaan kadib markii STC oo ay Abu Dhabi taageerto ay weerarro ku qaadday ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero, bishii Diseembar. STC ayaa doonaysa in ay gooni u go’do koonfurta Yemen, waxaana ay dhawaan la wareegtay gobollo xuduud la leh Sacuudiga, taas oo Riyadh ku tilmaantay khatar amni oo toos ah.

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dhankeeda sheegtay in Al-Zubaidi laga saaray Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada, iyadoo lagu eedeeyay khiyaano qaran, islamarkaana lagu amray xeer-ilaaliyaha guud in uu bilaabo baaritaan sharci ah.