Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa saaka gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee gobolka, nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay horumarinta ganacsiga, adeegyadda saadka (logistics), iyo mashaariicda horumarineed ee wadajirka ah.




From the comments