Magaalada Laascaanood ee caasimadda Dowlad Goboleedka Woqooyi-Bari ayaa lagu wadaa in toddobaadkan lagu qabto shir gaar ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tegayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Booqashada Madaxweynaha ayaa la xiriirta xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulka cusub ee Woqooyi-Bari, iyo sidoo kale dardargelinta geeddi-socodka nabadda, dib-u-dhiska iyo mideynta bulshada deegaannadaas.
Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha maamulka Woqooyi-Bari, Mudane Firdhiye, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah halkaas loogu caleemo saaro, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu dhameystirayo dhismaha iyo hirgelinta hay’adaha maamulka cusub.




From the comments