U bood dhigaalka

DEG DEG: Tirada Askartii ku dhimatay weerarkii Mareykanku ku qaaday Caracas oo la shaaciyay

Sheeko:War

Wasiirka Gaashaandhigga Venezuela, Vladimir Padrino, ayaa sheegay in 47 askari oo Venezuelan ah ay ku dhinteen weerarkii uu Mareykanku ku qaadeen caasimadda Caracas horraantii bishan, weerarkaasi oo sababay qabashada Madaxweyne Nicolás Maduro.

Sida uu wasiirku xaqiijiyay, 9 ka mid ah askarta dhimatay waa haween.

Padrino ayaa hadalkan jeediyay maanta isagoo ku tilmaamay weerarka mid si toos ah u beegsaday xarumo ciidan iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada..

Dhanka kale, Cuba ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay heshay maydadka 32 askari oo Cuban ah oo ay sheegtay in ay ku dhinteen dagaalka subaxnimadii 3-da Janaayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Venezuela ayaa toddobaadkii hore sheegay in illaa 100 qof ay ku dhinteen weerarka, balse uusan kala caddeyn tirada askarta iyo shacabka.

Weerarka Mareykanka iyo qabashada Maduro ayaa kiciyay muran caalami ah, iyadoo dalal iyo hay’ado kala duwan ay ka hadleen su’aalaha la xiriira madaxbannaanida Venezuela iyo sharciga caalamiga ah.