U bood dhigaalka

Munaasabadda Caleema-Saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari oo Laascaanood ka socota

Sheeko:War

Waxaa maanta Laascaanood ka socota munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada gaaray shalay isagoo ka qeybgalaya xafladda, waxaana wehliya Ra’iisul Wasaaraha, golle wasiirro, odayaasha dhaqanka, iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale goobta jooga wafdi caalami ah oo ay ka mid yihiin diblomaasiyiin ka socda Jabuuti iyo dalal kale.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona maanta munaasabadda, isaga oo ka hadli doonna midnimada dalka, nabadda, deris wanaagga, iyo wada-tashiga siyaasadeed, gaar ahaan qorshaha doorashooyinka ee dalka.