U bood dhigaalka

Weerar lagu qaaday Saldhigga Booliska Magaalada Garoowe

Israsaasayn culus ayaa xalay ka dhacday saldhigga booliiska ee magaalada Garoowe, kaddib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay weerar ku qaadeen saldhigga, iyagoo doonayay inay soo furtaan askar ay horay u xireen ciidanka booliisku.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, iska horimaadkaasi waxa uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay, halka askar kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiishu waxay sheegeen in khasaaraha ugu badan uu gaaray ciidamadii weerarka soo qaaday, ayadoo
Maamulka magaalada Garoowe iyo saraakiisha ammaanka oo ka hadlay dhacdadan ay sheegeen in shaqaaqadu ka dhalatay isku day ay sameeyeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, kuwaas oo doonayay inay saldhigga kala baxaan askar loo xiray eedeymo la xiriira dembiyo horay loogu soo oogay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaasta ay socotay muddo kooban, balse ay abuurtay cabsi iyo jahwareer ku dhex faafay dadka ku nool nawaaxiga saldhigga, ka hor inta aan xaaladda si buuxda loo xakameyn.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in xaaladda haatan ay deggen tahay, isla markaana la adkeeyay amniga guud ee magaalada, dhanka kalena, odayaal dhaqameed iyo ganacsato ayaa wada dadaallo waanwaan ah, si looga hortago in dhacdadu sii ballaarato loona helo xal nabadeed.