Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha Berlin
Wafdi uu hogaaminaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayaa ka qayb galay Madasha Caalamiga ah ee Cuntada iyo Beeraha (GFFA) iyo Shirka 18-aad ee Wasiirrada Beeraha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka.
Agaasimaha Guud ayaa Shirka Wasiirrada ku matalayay Gobolka Bariga Afrika, halkaas oo uu khudbad muhiim ah ka jeediyay, isagoo si faahfaahsan u soo bandhigay xaaladda biyaha iyo waraabka ee Soomaaliya, baahiyaha deg dega ah ee jira iyo fursadaha maalgashi ee ka banaan beeraha iyo waraabka. wxuuna si gaar ah hadalkiisa ugu adkeeyay mudnaanta Soomaaliya ee horumarinta nidaamyada cuntada, isaga oo tixraacay Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo muhiimadda ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga dalka.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wasiirrada beeraha ee 59 Dal, ayaa si wadajir ah la iskula gartay muhiimadda horumarinta kaabayaasha biyaha iyo wax soosaarka beeraha, doorka biyaha ee nolosha iyo dhaqaalaha iyo caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, kororka tirada dadka, wasakheynta deegaanka.
Soomaaliya waxay mar kale muujisay ka go’naanshaheeda xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo balaarinta xiriirka ay la leedahay suuqyada caalamiga ah si loo xaqiijiyo kobac dhaqaale ee dalka iyo sugnaanta cuntada.