Madaxweynaha Puntland oo Nairobi kula kulmay Wakiillada Beesha Caalamka
Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Safiirrada iyo diblomaasiyiin sare oo matalayay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK, Denmark, Norway, Canada, Germany, Sweden, iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan safaaradaha Mareykanka, Switzerland, Finland, France, Netherlands iyo Bangiga Adduunka (World Bank).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay doorka Puntland ee la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada ay ku ciribtirayso kooxaha amni-darrada ka wada deegannadeeda.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa ammaan ballaaran u jeediyay maamulka Puntland, iyagoo ku bogaadiyay hawlgalada amniga, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.
Sidoo kale kulanka waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimaha bani’aadanimo, taageerada bulshada nugul, iyo xoojinta iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah.