Goobjoog

Puntland iyo Jubaland oo Aqbalay Ka Qaybgalka Gogosha Wada-hadalka Qaran

Muqdisho – Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u aqbalay ka qaybgalka gogosha wada-hadalka qaran ee lagu wado in ay ka furanto magaalada Muqdisho 1-da Febraayo.

Warar sugan oo aan ka helnay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijinaya in go’aankan uu yimid kaddib markii uu soo gabagaboobay shirkii Nayroobi, kaas oo la filayo in war-murtiyeedkiisa rasmiga ah la soo saaro maalinta berri ah.

Sida ay wararku sheegayaan, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale faray guddiyada farsamada ee maamulladooda inay u safraan magaalada Muqdisho, si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ula gaaraan is-afgarad ku saabsan ajandeyaasha shirka iyo qaabka uu u dhacayo.

Dhankooda, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka ka soo baxay Puntland iyo Jubaland, iyagoo tilmaamay in ka qaybgalka maamulladaasi uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-tashiga qaran, midnimada dalka iyo heshiis laga wada gaaro hannaanka doorashooyinka.

Gogosha wada-hadalka qaran ayaa lagu wadaa in ay noqoto mid lagu gorfeeyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, hannaanka federaalka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments