Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga.
Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho, wuxuuna qeyb ka yahay wadatashi joogto ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Intii uu socday kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dawladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.




From the comments