U bood dhigaalka

Cirro oo ka Beensheegay Kulankii Wiilka Trump

Sheeko:War

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro, Madaxweynaha Maamulka Soomaalilaan, ayaa sawir la galay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump, xilli uu ka qeybgalay cashasharaf ka dhacday Switzerland.

Si kastaba, afhayeenka Eric Trump, Kimberly Benza, ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax kulan rasmi ah oo dhex maray labada dhinac, isla markaana aysan ka wadahadlin wax arrimo siyaasadeed ama deked la xiriira.

Benza ayaa sheegtay in wixii dhex maray ay ahaayeen oo kaliya salaan iyo ismaamuus caadi ah.

Arrintan ayaa ka dhigtay mid xiiso leh, ka dib markii Cirro uu warbaahinta u sheegay inuu la kulmay Eric Trump, taasoo lagu tilmaamay inay tahay sheegasho aan sal lahayn oo loogu talagalay in lagu muujiyo taageero caalami ah oo aan jirin.

Beensheegashadan ayaa imaanaysa iyadoo Somaliland ay raadinayso aqoonsi caalami ah, hasayeeshee ilaa hadda dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa si cad u diiday aqoonsiga maamulkaasi.

Dhanka siyaasadda iyo saxaafadda, warbixintani waxay dhalisay dhaleecayn ku aaddan habka Cirro u maamulayo xiriirka caalamiga ah iyo sawirka uu ka bixiyo.