Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28ka Janaayo 2025, waxaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka furmay kulankii ugu horreeyay ee Guddiyada Farsamada ee u xilsaaran gogolxaarka wadahadallada u dhexeeya Dawldda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka. Kulankan xasaasiga ah ayaa diiradda lagu saarayaa dejinta ajandayaasha, habraaca, iyo hannaanka rasmiga ah ee loo wajahayo wadaxaajoodyada, iyadoo labada dhinac ay soo magacaabeen xubno khubaro ah oo ka shaqaynaya sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha hordhaca ah, ka hor inta aan la guda gelin wajiga rasmiga ah ee wadahadalka.
Dhinaca kale, indhaha siyaasadda ayaa ku jeeda kulanka weyn ee la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta koowaad ee kowda Febraayo.
Shirkaas ayaa la filayaa inuu noqdo mid heerkiisu sarreeyo oo ay isku hor fariisan doonaan madaxda ugu sarraysa ee labada dhinac, si ay uga wadatashadaan qodobbada masiiriga ah ee ay soo diyaariyeen guddiyada farsamada ee maanta shiray. Kulanka 1da Febraayo ayaa loo arkaa tallaabada ugu muhiimsan ee go’aamin doonta jihada siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo tabashooyinka jira.




From the comments