Warbixin: Weerarkii Minneapolis iyo Xaaladda Xildhibaan Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar iyo Kulankii Town Hall
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa qabatay kulan dadweyne oo ah nooca loo yaqaanno Town Hall, kaas oo loogu talagalay in dadka deegaanka loogula hadlo arrimaha hortebinta u leh degmada ay matasho ee Minneapolis.
• Ujeeddada Kulanka: Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay caqabadaha horyaalla bulshada, gaar ahaan arrimaha guriyaynta, daryeelka caafimaadka, iyo khilaafyada ka dhashay hawlgallada Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada ee Immigration and Customs Enforcement (ICE) ee ay ka wado Minneapolis.
• Xaaladda Maraykanka: Maraykanka ayaa xilligan ku jira jewi siyaasadeed oo aad u kacsan. Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Trump, waxaa kordhay kalaqeybsanaanta bulshada iyo hadallada kulul ee u dhexeeya xisbiyada. Minneapolis waxay noqotay xuddunta dibedbaxyo rabshado wata iyo iska-hor-imaadyo u dhexeeya dadka u ololeeya xuquuqda muhaajiriinta iyo laamaha amniga ee Federaalka.
Weerarka sida uu u Dhacay:
Xilli uu kulanku socday, ayaa dhacdo argaggax leh ay ka dhex dhacday hoolka, taas oo sababtay khalkhal iyo qaylo.
• Sida ay wax u dhaceen: Ilhaan oo hadalkeeda marinaysa dalbashada iscasilaadda Kristi Noem oo maamusha hay’adda ay hoostagaan ICE ayaa nin ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay kulanka, si lama filaan ah ugu soo dhowaaday masraxii ay ka khudbaynaysay. Waxa uuna dhanka xildhibaanadda la soo aaday dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan habboonayn oo ku jiray silingo. Markiiba waxaa ninkii ku booday oo isku duubay ilaaladeedii gaarka hayd, iyada oo halkaa looga hortagay iskudaygii lagu waxyeelayn lahaa xildhibaanadda.
• Ciddii gaysatay: Booliska ayaa xiray nin lagu magacaabo Anthony James Kazmierczak oo 55 sano jir ah. Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Maraykanka (white American). Waxa uuna degan yahay magaalada South St. Paul, oo ka tirsan gobolka Minnesota.
• Sababta: Baaritaannada horudhaca ah ayaa tilmaamaya in falkan uu ahaa mid salka ku haya nacayb siyaasadeed iyo mid cunsuriyadeed. Ninka ayaa la sheegay inuu hore baraha bulshada ugu baahiyay hadallo lid ku ah Ilhaan Cumar iyo dadka muhaajiriinta ah.
• Waxa la adeegsaday: Dadkii goobta joogay waxay sheegeen inuu lahaa ur xooggan oo u dhow khamriga. Ninka ayaa adeegsaday silingo ku jira dareero midabkiisu bunni yahay, isaga oo xildhibaanadda ku buufiyay. Walow baaritaan lagu wado dareerahan, waxay se xogaha hordhaca sheegayaan in loo badinayo waxa loo yaqaano “Dehydrating Liquor” oo ah dareere sun ah oo laga farsameeyay uumiga khamriga oo lagu daray curiyayaal dhawr ah. Waa kiimiko halis ah, oo qofka daqiiqado gudahood xubnihiisu shaqada ku joojin karaan.
Falcelinta Madaxda iyo Saamaynta Dhacdadan:
Weerarkan ayaa dhaliyay falcelin caalami ah iyo mid gudaha ah, isagoo muujiyay khatarta ay wajahayaan dadka la doortay.
• Madaxda ka hadashay:
o Donald Trump: Inkastoo uu marar badan dhaleeceeyay Ilhan, haddana Madaxweynaha ayaa canbaareeyay weerarka isagoo sheegay in rabshadaha siyaasadeed aysan meel ku lahayn Maraykanka, inkastoo taageerayaashiisa qaarkood ay weli weerar dhanka afka ah ku hayaan xildhibaanadda.
o Hoggaanka Xisbiga Dimuqraadiga: Waxay dalbadeen in amniga xildhibaannada si weyn loo xoojiyo, iyagoo ku tilmaamay weerarkan mid loogu talagalay in lagu aamusiyo codka dadka laga tirada badan yahay.
• Xaaladda hadda: Ilhaan Cumar ayaa laga daweynayaa dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo Booliska Federaalka (FBI) ay baaritaan ku hayaan haddii uu jiro shabakad ka danbaysay ninka weerarka geystay.
• Waxa ay beddeli karto: Dhacdadan ayaa laga yaabaa inay keento in isbeddel weyn lagu sameeyo habmaamuuska amniga ee kulamada siyaasadeed (Town Halls). Sidoo kale, waxay kordhin kartaa cadaadiska saaran maamulka si ay wax uga qabtaan kooxaha xagjirka ah ee gudaha, waxayna Minneapolis ka dhigi kartaa goob looga tartamo amniga iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.