WAR DEGDEG AH: General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, sida lagu caddeeyay go’aan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda.
Golaha Wasiirradu waxay sidoo kale xilka Taliyaha CXDS u magacaabeen General Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo si rasmi ah ula wareegaya hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa sanadihii lasoo dhaafay soo ahaa Taliyaha Ciidanka Taakuleynta Xoogga Dalka, xil uu kaga soo shaqeeyay abaabulka, taageerada iyo tayeynta howlgalada ciidamada.
Magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalka wajahayo caqabado amni oo adag, iyadoo laga filayo inuu hormuud u noqdo xoojinta amniga, dib-u-habaynta ciidamada, iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada dalka.