U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka Qeybgashay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta gaaray magaalada New Delhi ee caasimadda Jamhuuriyadda Hindiya, halkaas oo uu uga qeybgalay hirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Carabta iyo Hindiya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wadahadalka siyaasadeed, ballaarinta iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta iskaashi ku dhisan horumarinta , iyadoo Soomaaliya ay kaalin firfircoon ka qaadanayso ajendayaasha la xiriira danaha wadaagga ah ee Carabta iyo Hindiya.

Markii uu Wasiirku soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Indira Gandhi, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee New Delhi, iyo Dr. Suresh Kumar, oo matalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya.

Mudane Cabdisalaan Cali ayaa tilmaamay muhiimadda uu shirku u leeyahay danaha Soomaaliya, isagoo xusay in fursado cusub ay u furmayaan iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa isna adkeeyay doorka diblomaasiyadeed ee booqashadan.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya ayaa la filayaa in uu soo saaro go’aanno iyo is-afgaradyo xoojinaya iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.