Booliska Hodan oo Xabsiga Dhigay Labo Eedeysane oo Lagu Eedeeyay Kicin Dadweyne
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen kicin dadweyne iyo qalqalgalin amni.
Labadan eedeysane ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ka dib markii ay dalka dib ugu soo laabteen.
Eedeysane Mahad Maxamud Xamarow (Garyaqaan) ayaa la xaqiijiyay in laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, halka eedeysanaha labaad oo ah Yuusuf Xasan Cali (Yuu Boss) uu isna dhawaan ka yimid qaaradda Yurub.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in labadan shaqsi loo haysto inay abaabulayeen falal liddi ku ah amniga iyo kicinta shacabka, waxayna xuseen in baaritaan ka dib la horgayn doono maxkamad awood u leh si loogu qaado tallaabo sharci ah.
Boolisku waxay markale ku celiyeen inay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka iyo xasiloonida caasimadda.