Muqdisho – Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku bilowday xaalad fowdo ah, kaddib muran xooggan oo ka dhex qarxay xildhibaannada.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golayaasha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ka dib markii Ciidanka Boliisku ay gudaha u galeen dhismaha Golaha Shacabka si ay u kala joojiyaan buuqa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in kulanka uu hakad galay, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid kacsan, isla markaana ay adkaatay in la sii wado ajendihii kulanka oo ahaa wax ka bedelka dastuurka.




From the comments