U bood dhigaalka

DEGDEG: Fowdo ka Dhalatay Kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya

Sheeko:War

Muqdisho – Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku bilowday xaalad fowdo ah, kaddib muran xooggan oo ka dhex qarxay xildhibaannada.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golayaasha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ka dib markii Ciidanka Boliisku ay gudaha u galeen dhismaha Golaha Shacabka si ay u kala joojiyaan buuqa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kulanka uu hakad galay, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid kacsan, isla markaana ay adkaatay in la sii wado ajendihii kulanka oo ahaa wax ka bedelka dastuurka.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada, balse xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay in loo fidiyay gargaar degdeg ah.

Illaa iyo hadda, weli kama hadlin arrintan Guddoonka Baarlamaanka ama hay’adaha ammaanka.

Wixii ku soo kordha kala soco Goobjoog News.