Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si kulul u beeniyay sheegashada Madaxweyne Donald Trump ee ah in dowladda Mareykanka ay maalgalisay dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).
Abiy Ahmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa caddeeyay inuusan jirin wax deyn ama kaalmo lacageed ah oo ay dibadda ka helaan, isagoo ku adkeystay in mashruucan oo ku kacay 4 bilyan oo doollar lagu dhisay lacag ay iska soo uuriyeen shacabka Itoobiya ee gudaha iyo dibadda ku nool.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Trump uu dhowaan sheegay in Mareykanku bixiyay lacagta lagu dhisay biyo-xireenka, uuna dhibaato ku yahay dalka Masar oo noloshoodu ku tiirsan tahay webiga Nile.




From the comments