U bood dhigaalka

Itoobiya oo Beenisay Sheegashada Trump ee Maalgelinta Biyo-xireenka Nile

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si kulul u beeniyay sheegashada Madaxweyne Donald Trump ee ah in dowladda Mareykanka ay maalgalisay dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).

Abiy Ahmed oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa caddeeyay inuusan jirin wax deyn ama kaalmo lacageed ah oo ay dibadda ka helaan, isagoo ku adkeystay in mashruucan oo ku kacay 4 bilyan oo doollar lagu dhisay lacag ay iska soo uuriyeen shacabka Itoobiya ee gudaha iyo dibadda ku nool.

​Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Trump uu dhowaan sheegay in Mareykanku bixiyay lacagta lagu dhisay biyo-xireenka, uuna dhibaato ku yahay dalka Masar oo noloshoodu ku tiirsan tahay webiga Nile.

Biyo-xireenkan oo ah kan ugu weyn Afrika marka loo eego korontada uu dhalinayo, ayaa muddo dheer xuddun u ahaa khilaaf dibloomaasiyadeed oo u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, iyadoo hadalka Trump uu u muuqdo mid sii hurinaya xiisadda labada dhinac.