DEGDEG: Siciid Deni iyo Axmed-Madoobe oo soo Xaqiijiyey ka Qaybgalka Gogosha Madaxweynaha, kuna soo Wajahan Muqdisho
Sheeko:War
Muqdisho (Goobjoog News) — Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in madaxweynayaasha dawladgoboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ay aqbaleen gogosha wadahadalka ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u soo xaqiijiyey inay soo gaaraan magaalada Muqdisho 9ka bishan Febraayo si ay qeyb uga noqdaan wejiga cusub ee wadahadallada xalka loogu raadinayo khilaafka xilliga kalaguurka siyaasadeed ee dalka.
Shirkaan oo lagu waday in uu furmo 1 Bishaan ayaa dib u dhacay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay hakisay Diyaarado siday ciidamo hubeysan oo kala yimid labada maamul.