U bood dhigaalka

Ciidanka NISA oo Dilay Horjoogihii Maaliyadda al-Shabaab ee Gobolka Banaadir

Sheeko:War

​Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay in ay dileen Axmed Dhubbad Xiddig, oo loo yaqaannay Sheekh Aadan-Dheere. Horjoogahan oo kooxda Shabaab u qaabilsanaa dhinaca maaliyadda ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay hawlgal gaar ah oo qorshaysnaa oo ka dhacay degaanka Daniga Baaloow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taariikhdu markay ahayd 27kii Janaayo.

Hawgalkan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa yimid ka dib markii ay dul tageen guri uu ku dhuumanayay horjoogaha, halkaas oo uu iskudayay inuu dagaal kala horyimaado ciidamada balse ugu danbayn ay halkaas ku toogteen.

Axmed Dhubbad Xiddig waxa uu kooxda Shabaab ku biiray sanadkii 2008dii, isagoo muddo dheer ku dhex jiray falalka baadda iyo boobka hantida dadweynaha, wuxuuna hore wakiil uga soo noqday dhinaca lacag-ururinta ee gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

​Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raadjoogay ninkan ayaa ugu danbayn ku guulaystay in ay dilaan.