Golaha Mustaqbalka oo Canbaareeyay Dagaalka Baydhabo ayaa Baaq u Diray Dawladda Federaalka
Baydhabo | 5 Febraayo 2026 – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa muujiyay walaac aad u xooggan oo ku aaddan dagaalka labadii maalin ee u danbeeyay ka socday magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfurgalbeed.
Goluhu wuxuu tilmaamay in colaaddani ay khatar toos ah ku tahay nolosha shacabka, hantidooda, iyo wadanoolaanshaha bulshada.
Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiisaddan ay salka ku hayso firaaq sharci oo ka dhashay markii uu dhammaaday muddaxileedka maamulka Koonfurgalbeed, iyadoo aan la helin sharciyad lagu cusboonaysiiyay. Arrintan ayaa keentay in maamulku uu noqdo mid nugul oo ku tiirsan Villa Somalia.
Qoraalka ayaa lagu dhaleeceeyay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay inay ka gaabisay mas’uuliyaddii dastuuriga ahayd ee ka saarnayd ilaalinta nidaamka dawladnimada.
Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay aamusnaanta dawladda, taas oo ay ku sifeeyeen mid muujinaysa jihada khatarta ah ee uu dalku u socdo haddii aan xal degdeg ah la helin.
Golaha Mustaqbalka wuxuu aaminsan yahay in jidka keliya ee looga bixi karo hubanti-la’aanta siyaasadeed iyo colaadda ay tahay:
- In la qabto doorasho loo dhan yahay, oo hufan, isla markaana lagu heshiiyay.
- In wadahadal lagu dhammeeyo khilaafaadka halkii loo adeegsan lahaa ismaqnuunin siyaasadeed.
- Ugu danbayn, Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay in xasilloonida dalku ay ku xiran tahay dhowrista sharciga iyo badbaadinta nolosha muwaadiniinta.