Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka iyo dhulka ah ka fuliyay deegaanka Arabow oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameedkiisu cad yahay ayaa lagu guuleystay in lagu burburiyo xarumihii ugu waaweynaa ee kooxda Shabaab ay ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo ahaa goobaha laga soo abaabulo falalka argagixiso ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Xarumaha sida rasmiga ah loogu baabi’iyay howlgalkan waxaa ka mid ahaa xaruntii siyaasadda iyo maamulka ee kooxda, xaruntii diyaarinta qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta ee Al-kataa’ib, iyo xero weyn oo lagu tababari jiray maleeshiyaadka.




From the comments