Ciidanka NISA oo Burburiyay Xarumihii ugu Muhiimsanaa ee Kooxda Shabaab ee Gobolka Jubbada Dhexe
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka iyo dhulka ah ka fuliyay deegaanka Arabow oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameedkiisu cad yahay ayaa lagu guuleystay in lagu burburiyo xarumihii ugu waaweynaa ee kooxda Shabaab ay ku lahayd deegaankaas, kuwaas oo ahaa goobaha laga soo abaabulo falalka argagixiso ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Xarumaha sida rasmiga ah loogu baabi’iyay howlgalkan waxaa ka mid ahaa xaruntii siyaasadda iyo maamulka ee kooxda, xaruntii diyaarinta qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta ee Al-kataa’ib, iyo xero weyn oo lagu tababari jiray maleeshiyaadka.
Sidoo kale, ciidanka ayaa burburiyay dhisme ay degganaayeen horjoogeyaal sare oo qaabilsanaa dhinaca tababarada, waxaana intii uu howlgalku socday halkaas lagu dilay siddeed ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugnaa xarumahaas la beegsaday.
Guushan laga gaaray gobolka Jubbada Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu daciifinayo awoodda kooxda Shabaab, iyadoo ciidanka amnigu ay muujiyeen karti dheeri ah oo lagu beegsanayo saldhigyada ugu muhiimsan ee ay kooxdu ku dhuumaalaysato.
Hay’adda NISA ayaa ugu dambeyn ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin laamaha amniga.