U bood dhigaalka

Sucuudiga oo Markii ugu Horraysay Muddo 70 Sano ah Fasaxay Iibinta Khamriga

Sheeko:War

Dawladda Sucuudiga ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddelaysa nidaamkii mudada dheer ka jiray dalkaas, iyada oo markii ugu horraysay tan iyo sannadkii 1952-kii oggolaatay in dalka gudihiisa lagu iibiyo maandooriyaha khamriga.

Go’aankan oo qayb ka ah isbeddellada xawaaraha ku socda ee uu hormuudka u yahay dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan, ayaa si gaar ah u khuseeya ajaanibta deggan dalkaas, gaar ahaan kuwa lacagta haysta iyo diblamaasiyiinta aan muslimka ahayn ee ku sugan magaalada Riyaad.

​Xogta laga helayo dukaamada cusub ee la furay ayaa tilmaamaysa in qofka raba inuu adeegto looga baahan yahay inuu haysto sharciga degganaanshaha ee dalkaas, iyada oo qiimaha hal quraarad oo khamri ah uu gaarayo qiyaastii 124 Dollar, waxaana la sheegay in alaabtan laga keeno waddamada reer Galbeedka sida Ingiriiska.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid looga gol-leeyahay in lagu yareeyo ka ganacsiga suuqa madow iyo in dalka laga dhigo meel soo jiidasho u leh maalgashadayaasha iyo dadka aqoon-yahannada ah ee ka imaanaya dunida inteeda kale.

​Isbeddelkan ayaa ku soo beegmaya xilli Sucuudigu uu si weyn u dabciyey xeerarkii adkaa ee shareecada ee horey loogu yaqaanay, isaga oo hiigsanaya inuu la tartamo xarumaha ganacsiga iyo dalxiiska ee gobolka.

In kasta oo Sucuudigu uu yahay dalka ay ku yaallaan labada magaalo ee barakaysan ee Maka iyo Madiina, haddana siyaasadda cusub ee “Vision 2030” ayaa xoogga saaraysa furfurnaanta iyo xiriirka dhaw ee lala leeyahay dalalka aan muslimka ahayn si loo casriyeeyo dhaqaalaha dalkaas.