Dawladda Sucuudiga ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddelaysa nidaamkii mudada dheer ka jiray dalkaas, iyada oo markii ugu horraysay tan iyo sannadkii 1952-kii oggolaatay in dalka gudihiisa lagu iibiyo maandooriyaha khamriga.
Go’aankan oo qayb ka ah isbeddellada xawaaraha ku socda ee uu hormuudka u yahay dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan, ayaa si gaar ah u khuseeya ajaanibta deggan dalkaas, gaar ahaan kuwa lacagta haysta iyo diblamaasiyiinta aan muslimka ahayn ee ku sugan magaalada Riyaad.
Xogta laga helayo dukaamada cusub ee la furay ayaa tilmaamaysa in qofka raba inuu adeegto looga baahan yahay inuu haysto sharciga degganaanshaha ee dalkaas, iyada oo qiimaha hal quraarad oo khamri ah uu gaarayo qiyaastii 124 Dollar, waxaana la sheegay in alaabtan laga keeno waddamada reer Galbeedka sida Ingiriiska.




From the comments