U bood dhigaalka

​War-Saxaafad: Soomaaliya oo soo dhoweysay dib-u-soo-laabashada Suudaan ee IGAD

Sheeko:War

​Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diiran u soo dhoweynaysaa go’aanka walaalaha Jamhuuriyadda Suudaan ay dib ugu soo celiyeen ka-qaybgalkooda buuxa ee urur-goboleedka IGAD, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah u qiimeynayso sida Suudaan ay u caddeysay in iskaashiga gobolku uu yahay saldhigga guusha iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta nabadda.

Waxaa sidoo kale ammaan mudan dadaallada dublamaasiyadeed ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaas oo sahlay soo laabashada Suudaan, taas oo muujinaysa dhab dhiska midnimada gobolka.

​Maadaama Suudaan ay tahay tiir muhiim u ah ururka dhinac kasta, soo laabashadeedu waxay kor u qaadaysaa awoodda IGAD ay u leedahay inay ka jawaabto caqabadaha horyaalla ee dhinaca amniga iyo horumarka.

Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Suudaan iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka si loo gaaro himilooyinka iyo barwaaqada ay wadaagaan shucuubta gobolka.