U bood dhigaalka

Golaha Mustaqbalka oo Shir Xasaasi ah ku Leh Hoyga Axmed Madoobe.

Sheeko:War

​Magaalada Muqdisho, gaar ahaan gudaha xerada Xalane, waxaa ka socda kulan xasaasi ah oo ay yeelanayaan xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo ka dhacaya hoyga uu halkaas ka degan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirkan oo ah mid albaabadu u xiran yihiin ayaa ujeedkiisu yahay falanqaynta iyo isku-dubbaridka qodobada masiiriga ah ee ay xubnahan berri la hor tagi doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

​Xilli jawiga siyaasadeed ee dalku uu yahay mid aad u kacsan, Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inay xoogga saarayaan sidii looga wada hadli lahaa hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaansho muuqda oo dhinaca muddeynta iyo qaabka loo wajahayo codbixinta.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa miiska soo saartay qorshe ka kooban Afar tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, dhammaystirka hannaanka dastuurka dalka, abaaraha iyo adkaynta midnimada guud ee Soomaaliya.