U bood dhigaalka

Booliska Kenya oo Faahfaahin ka Bixiyay Xarigga Naasir Cige iyo Eedaymaha loo Haysto

Sheeko:War

​Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga Naasir Cige oo ah 37 jir haysta dhalashada dalalka Soomaaliya iyo Australia, kaas oo laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Booliska ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay qaybta Terminal 1A isagoo ka yimid dhanka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kuna saarnaa diyaaradda Kenya Airways.

​Sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay Booliska Kenya, waxaa hore u jiray digniino dhanka socdaalka ah oo Naasir Cige ka dhan ah, taas oo la soo saaray 30kii Janaayo ee sannadkan 2026.

Sababta xariggiisa ayaa lala xiriiriyay kiisas la xiriira wax isdabamarin iyo inuu lacago badan ku helay qaab been-abuur ah.

Markii la qabtay waxaa muddo lagu hayay Saldhigga Booliska ee Garoonka JKIA, balse markii danbe waxaa loo wareejiyay saraakiisha denbibaarista ee DCI, si baaritaanno kale loogu sameeyo.

Dhanka kale, Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaallama argaggixisada, isagoo xariggiisa ku eedeeyay madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ka danbeeyaan arrintan.

Ninkan ayaa hore u soo noqday Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, wuxuu ka soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hayeeshee, labada xafiisba shaqada ayay ka eryeen Naasir ka dib markii uu ku lug yeeshay arrimo aan anshaxa dowladnimada ku habboonayn.