Dowladda Maraykanka oo Muwaadiniinteeda uga Digtay Safarka Soomaaliya
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa markale soo saartay digniin culus oo ku socota muwaadiniinteeda, iyadoo si cad ugu amartay inay ka fogaadaan u safridda dalka Soomaaliya.
Digniintan oo la saaray heerka ugu sarreeya ee khatarta oo ah Heerka 4-aad, waxay muujinaysay in dalka Soomaaliya loo arko goob ay ka jiraan khataro dhanka amniga ah oo ay ugu horreeyaan falalka argagixisada, afduubka, iyo xasilooni darrada guud.
Dowladda Maraykanku waxay carrabka ku dhufatay in awooddeeda ay ku caawin karto muwaadiniinta Maraykanka ah ee dhibaatadu ku qabsato gudaha Soomaaliya ay tahay mid aad u xaddidan, taasna ay ugu wacan tahay duruufaha maxalliga ah iyo nidaamka amniga ee dalka.
Farriintan oo si toos ah u leh “Ha u safrin”, waxay qayb ka tahay liis dheer oo ay ku jiraan dalal dhowr ah oo ay ka jiraan dagaallo ama khataro dhanka nabadgelyada ah, waxaana loogu baaqay muwaadiniinta hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ama qorsheynayay inay tagaan inay si dhab ah u tixgeliyaan naftooda iyo badqabkooda.