Madaxweyne Ruto oo ku dhawaaqay xilliga Kenya ay fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay go’aan taariikhi ah oo dib loogu furayo xadka magaalada Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya bisha Abriil ee sannadkan.
Talaabadan ayaa looga golleeyahay in dib loo soo celiyo isku socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac, iyadoo madaxweynuhu uu xusay in furista xadka ay muhiim u tahay horumarka dhaqaale ee gobolka iyo xoojinta xiriirka derisnimada.
In kasta oo xuduudka uu u xirnaa arrimo la xiriira amniga, go’aankan cusub wuxuu muujiyay kalsooni laga qabo iskaashiga cusub ee dhanka amniga ee u dhexeeya labada dowladood.
Waxaa la filayaa in dib u furista xadku ay wax weyn ka beddesho nolosha kumanaan qof oo ku tiirsan ganacsiga xuduudaha, isla markaana ay fududayso isku socodka badeecadaha lagama maarmaanka ah ee labada dal isweydaarsadaan.