Wasaaradda Amniga: “Ma jiraan masuuliyiin loo diiday gelidda garoonka, balse waxaa la diiday jebinta habraaca amniga ee garoonka”
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soosaartay qoraal rasmi ah oo ay ku faahfaahinayso nidaamka amniga ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde, ka dib markii lagu soo warramay in garoonka loo diiday in ay Ra’iisulwasaarihii Hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii Hore JFS, Shariif Sheekh Axmed.
Masuuliyiintan ayaa xilligaas ku socday kulan ay la lahaayeen madaxda maamul goboleedyada Jubbalaan iyo Buntilaan, Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo deggan gudaha garoonka, isla markaasna xubno ka ah dalladda mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka.
Wasaaradda Amniga ayaa caddaysay in nidaamka sugidda amniga garoonka uu si buuxda u shaqaynayo, kaas oo qeexaya in wixii ka danbeeya 5:00 galabnimo laga galo albaabka “Madiina Gate”, iyadoo aan loo oggolayn ciidan hubaysan inay gudaha u galaan garoonka.
Qoraalka Wasaaradda Amniga ayaa lagu xusay inay jireen masuuliyiin hore oo xalay ku xadgudbay nidaamkaas, iyagoo iskudayay inay gudaha u galaan garoonka iyagoo wata ciidamo tiro badan, isla markaasna isticmaalay albaabbo aan loogu talagelin xilliga habeenkii ah, taas oo ay Wasaaraddu ku tilmaantay mid halis ku ah badqabka garoonka.
Ugu danbayntii, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa beenisay in ay jireen masuuliyiin si gaar ah loogu diiday gelitaanka garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraacyada amniga ee u degsan garoonka.
Wasaaraddu waxay ku celisay in sharciyada amnigu ay khuseeyaan dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta, ha ahaadeen kuwa xil haya ama kuwa hore, si loo xaqiijiyo badqabka guud ee xarunta iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.