Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soosaartay qoraal rasmi ah oo ay ku faahfaahinayso nidaamka amniga ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde, ka dib markii lagu soo warramay in garoonka loo diiday in ay Ra’iisulwasaarihii Hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii Hore JFS, Shariif Sheekh Axmed.
Masuuliyiintan ayaa xilligaas ku socday kulan ay la lahaayeen madaxda maamul goboleedyada Jubbalaan iyo Buntilaan, Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo deggan gudaha garoonka, isla markaasna xubno ka ah dalladda mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka.
Wasaaradda Amniga ayaa caddaysay in nidaamka sugidda amniga garoonka uu si buuxda u shaqaynayo, kaas oo qeexaya in wixii ka danbeeya 5:00 galabnimo laga galo albaabka “Madiina Gate”, iyadoo aan loo oggolayn ciidan hubaysan inay gudaha u galaan garoonka.




From the comments