U bood dhigaalka

Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Yemen

Sheeko:War

Warbaahinta dalka Yemen ayaa baahisay xog ku saabsan dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday deegaannada ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Yaxye Cali ayaa la sheegay inuu dalkaas u joogay isku xirka iskaashiga u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, gaar ahaan dhinaca saadka iyo hawlgallada.

​Xogta ayaa muujinaysay in ninkan uu ka tirsanaa shabakad caalami ah oo ku hawlan soo gudbinta hubka, walxaha qarxa iyo agabyada kale ee ciidanka, kuwaas oo loo kala gudbiyo dalalka Soomaaliya, Yemen iyo wadamo kale oo gobolka ka mid ah.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay sawirka baasaboor Yemen ah oo uu watay sarkaalka la dilay, kaas oo laga soo saaray magaalada Sancaa oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, taas oo caddaynaysay heerka uu gaarsiisnaa xiriirka iyo fududeynta uu ka helayay kooxdaas.

​Dilka Cabdiqaadir Yaxye ayaa loo arkay dhabar-jab weyn oo ku habsaday marinada hubka ee ka gudba badda cas iyo iskaashiga qarsoodiga ah ee ka dhexeeya labada kooxood.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca kooxaha uu khuseeyo warkan, balse baahinta xogtan ayaa dhalisay hadal hayn badan oo ku saabsan xaaladda ammaan ee marinada biyaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.